New & Events

Wargalin Dadweyne: Ka feejignow Isticmaalka Lacagaha Daahsoon (Virtuals Assets-ka)

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDHS) waxa uu ku warganilanayaa ugana digayaa dadweynaha khatarta ay leedahay lacagta daahsoon loo yaqaan (Virtual Assets) sida Bitcoin. Stablecoins, iyo kuwa kale ee lamidka ah. Soomaaliya lagama aqoonsana lacagaha Dahsoon (Not legal tender in Somalia), sidoo kale majirto hay’ad maaliyadeed oo shati u haysata in ay ka ganacsato adeeg maaliyadeed oo ku saabsan Lacagaha Dahsoon, sida sarifka, xawilaadda, lacag bixinta, maalgashiga, ama nooc kale oo adeeg maaliyadeed ah iyada oo la isticmaalayo lacagta daahsoon (virtual assets).

Khataraha ku gadaaman:

1. Lacagaha Dahsoon Ma laha Sharci iyo xeernidaamiye ilaaliya: 

  • Aduunyada inteeda badan lama korjoogteeyo hay’addaha bixiya adeeggan. o Majiraan hay’addo shati u haysta in ay bixiyaan adeeggan Soomaaliya gudaheeda. o Macaamiishu waxay khasaari karaan dhamaan lacagta ay ku maalgashadeen, iyada oo aysan jirin sharci ay ku dacwoodaan oo ilaalinayana hantidooda.

2. Lacagaha Dahsoon Waxaa Lagu Geli Karaa Fal-danbiyeedyo:

  •  Madaama ay adagtahay in la aqoonsado dhaqdhaqaaqyada lagu fuliyo adeeggan, waxaa looga faa’idaysan karaa fal-danbiyeedyada ay kamidka yihiinlacag dhaqida iyo maaligalinta argagixisada.

3. Sicirka Lacagaha Dahsoon Waa mid aad isu bedbeddela:

  • Sicirka adeeggan oo ah mid kudhisan mala awaal, xoogna u sabbaynaya o Sabbaynta xoogan ee sicirkeedu waxay ku keeni kartaa khasaare weyn dadka isticmaala adeeggan.

4. Majirto hanti kale oo damaanad u ah Lacagaha Dahsoon:

  •  Majirto hanti maguurto ah ama damaanad kale sida mid dawladdeed oo uu hasyto adeeggan. o Hadii ay dhacdo in suuqu burburo, ama hanaanka ay adeegsanayaan shaqayn waayo, majirto hab sharci ah oo dadka adeeggan isticmaalaa ay lacagtoodii dib ugu heli karaan

Talada Dadweynaha:

Iyada oo latixgalinayo khataraha kala duwan ee kor ku xusan ee ka dhalan kara adeeggan, BDHS waxa uu dadweynaha ku wargalinayaa in ay ka fogaadaan in ay maalgashadaan Virtual Assetska. Dadweynuhu sidoo kale waa in ay ka feejignaadaan kuna baraarugsanadaan in adeeggan loo aqoonsanayn mid sharci ah Soomaaliya gudaheeda, sharuucdeena iyo xeer-nidaamiyasheenuna aysan ilaalileyn.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya

June 2024